Dowlada oo ka hadasahay dagaalo culus oo xalay saqdi dhexe ka dhacay Muqdisho. PDF Print
Soomaalida
Written by Abdiqadar   
Monday, 08 February 2010 13:37

MUQDISHO:-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii xalay gil gilay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qeyb qaateen dagaalyahano Ajaaniib oo ka bar bar dagaalamay xoogaga ka soo horjeeda Dowladda.
Afhayeenka Milateriga Aadan Nuur Kaalmoy ayaa sheegay in ilaa 170-dagaalyahano ajaaniib oo maalmo ka hor laga soo dajiyay Dekeda macmalka Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho ay qeyb ka ahaayeen dagaaladaas.

Aadan Kaalmoy ayaa intaa ku daray in ajaaniibtaas ay u dhasheen dalka Itoobiya, isagoo tibaaxay in ay ahaayeen kuwo isugu jira qowmiyadaha Itoobiya dega sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in ajaaniibtaas xalay madaafiic ku rakibteen Xaafadaha qaar, isla markaana ay ku garaaceen goobaha shacabka si ay isaga horkeenaan Dowladda KMG iyo shacabkeeda sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Afhayeenka Milateriga ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socdeen magaalada Muqdisho, kaasoo xoogiisa ay waday Dowladda KMG, kadib kolkii Ciidamo fara badan ay ku xoojisay goobaha la isku hor fadhiyo.

Soomaalidamaanta
Muqdisho

 

 
Heestii Kawaanka dadka iyo kooxda Qeylo dhaan   Riix hoos:



Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka hadii Kale News English

Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:

soomaalidamaanta@live.com ama

soomaalidamaanta@hotmail.co.uk

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.