Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo warbaahinta tusisay sarkaal kasoo goostay dowlada KMG Somalia. PDF Print
Soomaalida
Written by Abdiqadar   
Monday, 08 February 2010 13:40

MUQDISHO:-Xarakada Shabaab ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka soo goostay Dowladda KMG iyo Hub gacmeed gaaraya 50-qori Ak47 ah, kuwaasoo aanay cidina wadan, balse ay sheegeen in lagala soo goostay Dowladda.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Sarkaalka iyo Ciidamo ay la soo goosteen, inkastoo saxaafada ay u soo bandhigeen sarkaalka kaliya iyo Qoryaha Ak47 oo gaarayay ilaa kontameeyo.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan Ciidamo kasta oo ka soo goosta Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay hadii ay ka soo laabtaan wadada qaldan ay ku socdaan.

Sarkaalka ay soo bandhigeen Shabaabka oo isna saxaafada la hadlay ayaa magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur, waxaana uu tilmaamay inuu Taliye u ahaa Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Warshadii Nac-naca ee degmada Wada Jir.

Sarkaalkan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Ciidamadii hore ee xooga dalka, isagoo tibaaxay inuu go'aansaday in Dowladda KMG isaga soo tago, maadaama ay ku qaladay buu yiri arrimo badan oo aanay ka dhabeyn fulinteeda.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli magaalada Muqdisho xaalkeeda u muuqdo mid dagaal sugto ah, kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal ay bilowday Dowladda KMG, mana jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sarkaalka ay sheegeen Shabaabku inuu ka soo goostay.

Ma ahan markii u horeysay ee dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya ay soo bandhigaan Ciidamo iyo saraakiil ay sheegaan inuu dhinaca kale ka soo goostay, hase ahaatee shaqsiyaadka hadba ku qanci waayay mansabkiisa siyaasadeed ayaa caado noqotay inuu dhinaca kale uu ku biiro.
 

Soomaalidamaanta
Muqdisho



 
Heestii Kawaanka dadka iyo kooxda Qeylo dhaan   Riix hoos:



Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka hadii Kale News English

Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:

soomaalidamaanta@live.com ama

soomaalidamaanta@hotmail.co.uk

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.