Faallooyinka
Maqaalo lagu barobagaanayo Pr:Geedi oo la soo xaqiijiyey inuu lacago ku bixiyo Cali Ameeriko isagoo adeegsanaa rag saxaafada ka been sheega. PDF Print
Tuesday, 02 February 2010 14:47

Nairobi: Max'ed Cali Ameeriko oo ah safiirka Soomaliya ee Kenya ayaa bilaabay dacaayado ka dhan ah Ra'isal wasaarihi hore ee Soomaliya Pr:Cali Max'ed Geedi isagoo adeegsanaya shaqsiyaad sheegta iney yihiin wariyayaal balse xirfada saxaafada ka been sheega. Sii Aqri...
 
Cumar Faaruuq muxuu mudan yahay…? !! PDF Print
Thursday, 28 January 2010 05:55

Daawo Sawirada: Saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaalida heerka ay haatan gaarsiisan tahay run ahaantii weligeed ma aysan gaarin, waxaana jiray is qabqabsi iyo wax isu quurid la’aan saxafiyiinta dhexdooda ah iyo sidoo kale Milkiilayaasha warbaahinta madaxa bannaan oo awood saxaafadeed is bidayay, arrintaasoo sabab u noqotay in saxaafadda Soomaalidu xilli hore yeelan weyso urur kulmiya oo u dooda xuquuqdooda. Sii Aqri...
 
Heesta: Qaylo dhaan! Qaybi oo xukun baa qorshu yahay! PDF Print
Tuesday, 26 January 2010 23:14
Warbixin aad u xiiso badan: Shaki kuma jiro in malaayiin Soomaali ah ay QIIRO galisay  heestii durbaba caanka noqotay  ee Qeylo dhaan, shakina kuma jiro in malaayiin kale ay ka bogi waayeen oo ay maalin kasta  dhagaystaan heestaasi, shakina kuma jiro in malaayiin kale marka ay dhegaysanayaan heestaasi ay ilmaynayaan oo tiiraanyoodaan, Sii Aqri...
 
Caasimaddeennii oo ilmaynaysa ayaan soo arkay...!! PDF Print
Tuesday, 26 January 2010 23:13
Muqdisho: Hawl-qarameed degdeg ah awgeed ayaan ugu amba-baxay xaggii dalka. Dayuurad ayaan ka raacay magaalada Cadan oo dalka Yemen ah, taas oo ku socotay Caasimaddeennii Muqdisho. Sii Aqri...
 
Maxaa sabab u ah in Hay'adaha Samafalka ee ka hawl gala magaalada Jowhar ay isaga cararaan? PDF Print
Friday, 15 January 2010 19:56
Jowhar: Hey’adaha samafalka ee ka shaqeeya G/SH/Dhexe gaar ahaan xarunta Jowhar ayaa waxaa in mudo ah cadaadis ku haayay Dhaqdhaqaaqa Alshabaab kuwaas oo ku qasbay hey’ado badan in ay ka baxaan gobolkaas isla markaasna ay bulshadu weyso dhammaan adeegyadii ay qaban jireen hey’adahaas. Sii Aqri...
 
AF SOOMAALIGII OO ABTIRSIIMO LOO HELAY!!! Qormo Faaqideysa Cilmi-baaris muhiim ah… PDF Print
Tuesday, 12 January 2010 23:17
Stockholm, Inkasta oo ummadda Soomaaliyeed loo geystay dhibaato baahsan oo wax lagu qiyaaso aanay jirin, isla markaana gummaadkeeda iyo dibindaabyadeeda aysan u kala harin dowladaha dunida gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn iyo kuwa cadowga ummadda Soomaaliyeed ah balse Allaah uu awoodiisa nagula ollogeeyey, haddana ummaddu ma Alle iyo aqoon yahan la’ayn oo baaba’a lala rabay uma aysan gaarin sidii loola damacsanaa oo wax baa u kala haray. Sii Aqri...
 
Mushkiladaha Qaranimadeena Hortaagan PDF Print
Thursday, 07 January 2010 19:54
Faallo: Dhibaatada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagan oo Qaranimadu ka saldhigan la' dahay waa badan yihiin, qaabab  badan oo qaarkood loola tacaalayna xal laguma gaarin weli. Sii Aqri...
 
Heesta: Qaylo dhaan! Qaybi oo xukun baa qorshu yahay! PDF Print
Thursday, 31 December 2009 20:45
Shaki kuma jiro in malaayiin Soomaali ah ay QIIRO galisay  heestii durbaba caanka noqotay  ee Qeylo dhaan, shakina kuma jiro in malaayiin kale ay ka bogi waayeen oo ay maalin kasta  dhagaystaan heestaasi, shakina kuma jiro in malaayiin kale marka ay dhegaysanayaan heestaasi ay ilmaynayaan oo tiiraanyoodaan, Sii Aqri...
 
Hasheer Dabalaay Gooji Ama Ha Goojin, Wallee Geela Gu’ga Dhali Uunbaa lagugu Tirin: PDF Print
Sunday, 20 December 2009 11:57
Faallo Heer Sare ah: Barlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood oo ay qaab qabiil ku soo xulaan issimada beelaha Puntland deggan qaarkood. Iyadoo markaa beelo badan oo reer Puntlanad ay saamigi ay ku lahaayeen la duudsisye oo weli laalan yahay, isla markaana ay weli ka dharsugayaan in ay helaan xaqooda ka maqan. Sii Aqri...
 
Dowladda labada shariif" Prof Geeddi, wuxuu rabaa in Gobolka Banaadir xal loo helo ee naga qabta" PDF Print
Thursday, 17 December 2009 11:51
London Faallo: Maalmahan waxaa wararka duul duulka ah ee laga helayo dhinaca dowladda taagta daran ee Shariif Shiikh Axmed ay sheegayeen in ay qaati ka taagan yihiin oo uu burburin ku hayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi, taasi oo ugu dambeyntii ay dacwad ka dhan ah Prof Geeddi u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya, Sii Aqri...
 
Dafiraada Alshabab Dulmigay Dhigeen Dibindaabyada Caalamka Dedaal xumada Dowlada KMG ah Faallo: PDF Print
Tuesday, 08 December 2009 16:48
Faallo: Waxaan halkan salaam uga gudbinayaa Dhaman ummadda somaliyed. Ugu horayn mahad allaah ayay u sugnaatay {swt} NNKH nabigena Muxamad {scw}.  Marka xiga waxan leyahay allaha unaxariisto umadi lagu halaagay Hotel Shaamo samir iyo iiman allaha kasiiyo eheladooda iyo ummadda somaliyed dhaman, Marka xiga Sii Aqri...
 
Xuduudihi udhexeyn jiray Qabaa’ilada Soomaaliyeed ma la baabi’iyey? PDF Print
Tuesday, 08 December 2009 16:35
Faallo Muhiim ah: Dadka Soomaaliyeed sanooyin badan ayey soo  jireen oo ay isku maamulaayeen xeerar aan qorneyn oo ka dhexeeyey. Xeerarkass aan qorneyn oo qabaa’ilka udhexeyn jiray waxay ahaayeen nidaam lagu ilaaliyo xuduudaha ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed. Sii Aqri...
 
SHACABKII SOOMAALIYEED AFKUU FURTAYE, CADOWGII UMADDA MA QUUSTEY? By Wariye Lajecloow PDF Print
Monday, 07 December 2009 20:46

Oslo: Waxay ahayd wax aad looga naxo, lama filaana ku noqotay dhegaha iyo maskaxda bulshaweynta soomaaliyeed iyo tan caalamka ah markii la maqlay war dhiilo leh, kaasi oo sheegaya in la isku qarxiyey goob ku taala hoteel Shaamo ee magaalada Muqdisho, Sii Aqri...
 
SHUHADDADII SHAAMO …… … PDF Print
Monday, 07 December 2009 02:00
Stockholm: Ma cabiri karo dareenkeyga, kamana sheekeyn karo waxa dhacay, laakiin waxaan doonayaa inaan dabka uurkeyga ku shidan banaanka u soo saaro si ay ii yara deyso alhumadda aan ka qaaday masiibadda loo huwiyey ummadda Soomaaliyeed. Ugu Horeyn Assalaamu Caleykum, Sii Aqri...
 
SALAADAHA SIYAASADEED!!! PDF Print
Sunday, 29 November 2009 22:28
Stockholm, Qalbiyo Diin ka buuxdo balse aanan naxariis badani ku wehlin, qushuuc gumac rasaaseed la tiirsan, hanuun dagaal ku salaleysan iyo safaf caro la dhaadheeraaday ayey Sheekh-u-yaalo xildoon ah ku hogaamiyeen salaadii Ciidal Adxada barakeysan ee Allaah SW u hadiyeeyey Muslimiintiisa. Sii Aqri...
 
Madaxweyne Shariif oo booqday xeryO KU JIRAAN CiidamO KALA DUWAN “Dowlad kasta oo la soo dhiso waxa PDF Print
Monday, 23 November 2009 16:47

(Faallo) Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Midnimada Qaran iyo xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumadda ayaa markii ugu horeysay maalinimadii shalay booqday laba xero oo ay ku jiraan ciidamo kala duwan.

Sii Aqri...
 
Ruwaayad laga metelay shirkii Madaxweyne shariif iyo Madaxweyneh Maamulgoboleedka puntland Cabdiraxmaan Faroole PDF Print
Sunday, 15 November 2009 18:09
Ruwaayad la matalay: Waxaa wax maalmahan ama ilaa shalay falanqaynta siyaasada  soomaaliya ee qaawan Raadweyn ku yeeshay kulankii dhexmaray madaxweynaha dowlada ku meel gaadhka ahm sheikh shariif  sheikh axmed  Iyo masuulka madaxweynaha goboleedka puntland  hadaba qaabka ay u kulmeen  waa kan  iyo siduu u dhacay bogasho wacan aqristoow:- Sii Aqri...
 
Waa maxay sababta keentay in maamulka kasta oo Somalia kahirgalaa uu fashilmo? PDF Print
Friday, 06 November 2009 19:17
Faallo: Tan iyo wixii ka danbeeyey sanadii 1991 Xiligaas oo ahaa wakhtigii ay daaqada ka baxday dawladii dhexe ee Somalia tasoo uu hogaminayey madaxweynihii kacaanka,  Maxamed Siyaad Barre wixii ka danbeeyey xiligaa waxa uu dalka Somalia galay xaalado kala gedisan kuwaasoo marba marka ka danbeysa kasii darayey iyaadoo markaasi uu wadanku gacanta Sii Aqri...
 
Mudulood Siduu Cadawga u yaqaan Isuma Yaqaan. PDF Print
Sunday, 25 October 2009 22:57
Faallo: Aduunyada dadka aqoonta leh ee ku nool qolo aan aqoon u laheeyn halka aay kasoo jeedo ma jirto, taasna taariiqda ayaa qoreeysa, laakin wax cusub maaha in aay dad garaadkooda  gaaban yahay  ka caroodaan  maqalka magaca Mudulood ama  aay mar walba la doodaan iyagoo aamusnaanta muddulood  moodo dad aan waxba garan. Sii Aqri...
 
Amb. Yusuf Mohamed Ismail (Baribari) – Danjire gutay waajibkiisii qaran PDF Print
Sunday, 25 October 2009 22:43

Faallo: Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa si buuxda u ansixiyey go’aanka A/HRC/12/L.29/Rev. 1, taariikhdu markay ahayd Oktoobar 2, 2009. Go’aankaas oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ee xuquuqda aadanaha ayaa ah kii ugu horreeyey ee Sii Aqri...
 
Faallo: Eng Yariisoow oo sida dayaxa oo kale uga soo dhax muuqday Golaha Wasiirada ee Somalia. PDF Print
Friday, 23 October 2009 14:50

Muqdisho: Wasiirka Lacagta Eng Abdirahman Omar Osman “Yariisoow” Wasiir mudan in amaan iyo taageero loo soo mariyo hawada muda kooban ee uu yahay Wasiir Dowladeed inta uu qabtay iyo inta laga filan karo bal is bar bar dhig inta Wasiir ee Dowlada ku jira ee iska fadhiidka ah iyo asaga??? !!! Sii Aqri...
 
MUDULLOOD MUXU WAX ISUGU QUURIWAAYEY? PDF Print
Thursday, 22 October 2009 20:45
Faallo: Dhawr usbuuc ka hor ayaan qoray maqaal ciwaankiisu ahaa “ Maxaa  sababay in  Beesha Mudullood deegaanadooda  qaxootinimo iyo gunimo ugu noolaadaan? Maqaalkani dad badan ayuu dhiigiisa kiciyey waxayna u kala qaybsameen saddex (3)  qaybood  oo kala ah: Sii Aqri...
 
Madaxweyne Sh. Shariif waxa doortay baarlamaan Soomaaliyeed, tartan buuna ku adkaaday ee xilkiisa Muddullood haddiyad looma siinin, haddaba muxuu Muddullood xaqiisa u duudsiinayaa? PDF Print
Wednesday, 21 October 2009 00:15

FAALLO MUHIIM AH: Warar isa soo taraya lagana helay ilo wareedyo ku dhowdhow  Xafiiska Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu waayahan dambe ka baaraan degayey sidii uu xilalka uga qaadi lahaa mas’uuliyiin u dhalatay Beeshiisa Muddullood in kastoo Sii Aqri...
 
Caadifada Dr Culusoow, Ceebaynta Madaxweyne Shariif, U codaynta Mucaaradka ma Cadaaladbaa mise waa Cadaalad daro??? PDF Print
Sunday, 18 October 2009 20:37
Faallo: Waxaan qormadan ku wajahayaa qoraal uu ugu magac daray  booqashadii laga dhaxlay rajo xumo iyo islaam ka carar siyaasiga caanka aha ama nabadoonka Dr Culusow  hadaba aniga oo aan ka daba qaadanayn  Dr-ka waxaan doonayaa inaan saxo shaqsiga bani aadamka ah xor ayuu u yahay fekerkiisa Sii Aqri...
 
Ugaarsiga iyo hanjabaadda joogtada ah ee lagu hayo wariyeyaasha ka howl gala goobaha ay gacanta ku hayaan xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG oo soo kordhaya. PDF Print
Thursday, 08 October 2009 14:32
Aragtida Aqristaha: Qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala goobaha ay gacanta ku hayaan xoogagga mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda KMG ee Soomalaiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin isugu jira jirdil iyo hanjabaad qudh jaris ah ay kala kulmaan maamulada iyo xoogaga ka arimiya goobahaas. Sii Aqri...
 
Shirkada la Magacbaxday Alshabaab, Shirqoolka iyo Shakiga Dowlada Sheikh shariif ayaa Shaamareer ku Reebay Shacabka Soomaaliyeed PDF Print
Sunday, 27 September 2009 15:36
Aragtida Aqristaha: Waxaan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo qoraal  ka turjumaya laba kooxood  shacbiga soomaaliyeed dhibka lixaadka leh ku haya  , sida Dowlada iyo Amisom oo isku dhinaca iyo shirkatul mujaahiliin ee alshabaab iyo xisbul israaf wal tacadi oo isku dhinaca. Sii Aqri...
 
MAXAA KEENAY IN BEELWEYNTA MUDULLOOD AY DEEGAANKOODI QAXOOTI -NIMO IYO GUNNIMO UGU NOOLAADAAN? PDF Print
Tuesday, 22 September 2009 22:25
Qormo Muhiim ah. Waa  arrin  aan qofna ka qarsoonnayn  in ceeb, gunnimo, dadnimoxumo,  sharafxumo  iyo taariikhxumo ay ku habsatay  Beesha Mudullood. Labaatanki  sanno ee nasoo dhaaftay waxa aayar aayar  dadka Mudullood lagu fulinaayey qorsho  weyn  oo qarsoon oo lagu baabi’ibiyey qoomiyadoodi. Sii Aqri...
 
SU'AAL: SHARIIF HASSAN SH. ADEN MA WASIIR BAA MISE WAA WAARDIYAHA GAARKA AH EE MADAXWEYNE SH. SHARIIF SH. AHMED?. PDF Print
Thursday, 17 September 2009 18:58
 Xilligaan xukuumada Soomaliya ka jirta, xubinta aadka  loogu xamman og yahay waa Shariif Hassan Sheikh Aden oo ah ku-xigeenka Ra'iisul Wasaaraha, isla markaasna ah Wasiirka Maaliyada ee dowlada FKMGS, laakin nasiib darro aad loogu xanto inuu sida ay Shilintu  ugu dhegto xoolaha nool, ayuu asaguna ugu dhegan yahay Madaxweyne Sheikh Shariif cawo iyo maalin, ee  Shariif Hassan ma wasiir-baa mise waa waardiyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ( body Guard).
 
Dhammaan mus'uuliyiinta Sii Aqri...
 
Ragii Abgaal Lugaha iyo gacmaha gooyey oo hadana indhaha ka sii ridaya” xog uur ku taalo leh. PDF Print
Wednesday, 16 September 2009 23:40
Oslo: Taakoow Xamuud foolyare waxa uu ka mid yahay Kumanaanka qoys ee ka barakacay  W/Muqdisho, ee jiifa Cadceedda kulul ee dhulalka banaan ee u dhaxeeya Degmada Warshiikh illaa duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho, waxaana  qoys ka kooban dhowr iyo toban ruux oo u badan Caruur  uoo uu la joogo walambo yar oo ay ka dhisteen meel u dhaw Ceel Cadde oo ah halka ugu badan ee dadka W/qooyiga Muqdisho u qaxeen. Sii Aqri...
 
Prof Ibbi, waa muwaadin Daacad u ah Dalkiisa,Dadkiisa iyo diintiisa. PDF Print
Monday, 14 September 2009 11:52
Faallo: Qoraalka maqaalkan waxaa igu dhaliyay kadib markaan helay xog ku aadan doorka uu ka qaatay iyo sida muwaadinimada leh ee uu ugu adkeystay in xarunta ka hortagga iyo la-dagaalanka Burcad badeeda lagu dhiso xarunta Dalka jabuuti ee jamhuuriyadda jabuuti ee aan walaalaha nahay. Sii Aqri...
 
faallo,Maliibanayaasha Lagu Liibaanay PDF Print
Saturday, 12 September 2009 17:40
Bosaaso:Waxaa hubaal ah tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Wadanka Soomaaliya (27,1,1991) ayaa waxaa Wadanka martida u ah Dagaalka ee Soomaaliya lagu arkayay waxyaabo salka u haya arimaha lagu yaqaan dowlad la,aanta kuwaasi oo ay ka mid yihiin, Dil, Dhac, Kufsi, Dagaal, Barakac, Burbr, Qas, Qalalaanso uu quutay Wadana qaska quutay ee Soomaaliya ee Qarankiisii dumay oo qalfoofka harsanaya. Sii Aqri...
 
<< Start < Prev 1 2 3 Next > End >>

Page 1 of 3


Ku
Noqo Bogga Wararka ama Booqo Ciyaaraha ama kafaa'ideyso Barnaamijka Caafimaadka


Wixii fakarkaaga ah noogu soo hagaaji Emailkeena:
soomaalidamaanta@live.com ama soomaalidamaanta@hotmail.co.uk


Wararka English hadii aad doonayso riix:
www.somaliapolitics.com

Copyright 2010 Soomaalida Maanta.